Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada degmada Walaweyn

0
27 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada degmada Walaweyn

    Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Walaweyn ayaa waxaa ay sheegayaan in weli rasaas goos goos ah laga maqlayo gudaha degmadaas,isla markaana ay ishor-fadhiyaan maleeshiyadkii dagaalamay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Walaweyn ayaa waxaa ay sheegayaan in weli rasaas goos goos ah laga maqlayo gudaha degmadaas,isla markaana ay ishor-fadhiyaan maleeshiyadkii dagaalamay.


Wariyeyaal ku sugan degmada Walanweyn ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu markii hore ka bilaawday Bar-koontorool oo ku taalla Galbeedka degmadaas,hayeeshee markii dambe uu kusoo faafay gudaha degmada,isla markaana xaaladu ay tahay mid kacsan.

In kastoo haatan uu socon dagaal toos ah ayaa hadan waxaa lagu soo waramayaa in labada dhinac ay dalbanayaan gurmad kala duwan,isla markaana laga cabsi qabo in dagaalka uu markale dib u bilaawdo.

Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana laga dareemayaa jawi kacsanaan, iyada oo dadka deegaanka qaarkood ay bilaabeen inay ka fogaadaan meelaha u dhow halka uu dagaalka ka dhacay.

Dagaalka ka dhacay degmada Walanweyn ayaa salka ku haya aargoosi aano qabiil,waxaana horay xal uga gaaray Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka oo degmadaasi tegay wallow saakay uu markale dagaalka dib u qarxay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip