Madaxweyne Waare Oo Ku Baaqay In Si Shuruud La'aan loo Joojiyo Colaad Beeleedyada Ku Soo Noq Noqday Hiiraan

0
28 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Waare Oo Ku Baaqay In Si Shuruud La'aan loo Joojiyo Colaad Beeleedyada Ku Soo Noq Noqday Hiiraan

    Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ku soo noq noqday Deegaanno Hoos Yimaada Degmooyinka Maxaas, iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo fidno ah oo aanan la aqbali karin, isagoo ugu ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ku soo noq noqday Deegaanno Hoos Yimaada Degmooyinka Maxaas, iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo fidno ah oo aanan la aqbali karin, isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha in ay joojiyaan colaadahaasi, waxaana sidoo kale uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab.

Waare  ayaa tilmaamay in Hirshabelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas lagu joojiyo, iyadoo madaxweynuhu uu ku tilmaamay dagaal beeleedyada soo noq noqday kuwa taageero siinaya argagaxisada Al Shabaab oo dadkeena u diidan Nabadda.

"Colaado ay qaabkoodu leeyihiin muuqaal qabiileed balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay Hirshabelle, waxaana ku baaqayaa inay odayaasha, Culumo’udiinka iyo siyaasiyiinta Hirshabelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama wax kaa maqan aan lagu helin xabbad, dhinac walbana loo keeno dhinaca kale lana yiraahdo waxaas ayuu walaalkaa kaa tabanayaa ee ka raalli-geli.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xusay inay soo arkeen  dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo nabadda, waxaana leennahay waa in laga shaqeeyo nabadda…nabadda..nabadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip