Akhriso:-Xaalada degmada Walanweyn kadib dagaalo ka dhacay

0
28 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Xaalada degmada Walanweyn kadib dagaalo ka dhacay

    Xaalad deganaansho ah ayaa saakay laga dareemayaa degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo shalay uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad deganaansho ah ayaa saakay laga dareemayaa degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo shalay uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.


Dagaalka ayaa u dhaxeeyay maleeshiyo kasoo jeeda ha beel,kuwaas oo isku-heystay Goob isbaaro ah oo ku taalla degmadaas,waxaana dagaalkaas ku geeriyooday hal ruux halka saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Wararka saakay la helayo ayaa waxaa ay sheegayan in xaaladu ay degan tahay,hayeeshee weli maleeshiyaadkii dagaalamay ay ishor-fadhiyaan,isla markaana mar walba la filan karo in uu dagaal dhaco.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Walanweyn oo la hadlay Risaala ayaa waxaa ay sheegeen in qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka degmadaasi ay wadaan qorsho waan waan lagu kala dhex-dhigayo maleeshiyaadaka dagaalamay oo hal beel kasoo wada jeeda.

Dhowr bilood ka hor ayaa sidaan oo kale ay maleeshiyaadkaas dagaalameen,waxaana halkaasi tegay oo xiisada dejiyay Xubno uu ka mid yahay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip