Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Maanta tegaya Cabudwaaq

0
28 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Maanta tegaya Cabudwaaq

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xsan Cali Kheyre oo weli ku sugan Magalada Cadaado iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in uu safar ku tago degmada Cabduqwaaq ee gobolka Galgaduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xsan Cali Kheyre oo weli ku sugan Magalada Cadaado iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in uu safar ku tago degmada Cabduqwaaq ee gobolka Galgaduud.


Shalay gelinkii dambe waxaa gaaray wufuud horudhac u ah safarka ra’iisul Wasaaraha oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey.

Sidoo kale Xildhibaano, iyo xubno kale oo ka mid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa tegay degmada Cabudwaaq,iyaga oo sii diyaarinaya sidii Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya loogu soo dhaweyn lahaa degmada Cabudwaaq.

Magalada Cabduwaaq ayaa waxaa laga dareemayaa u diyaar garowga soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha,waxaana meelaha qaar lagu dhejiyay sawirka Ra’iisul Wasaaraha,waxana ammaanka siweyn u adkeynaya qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo Ciidamo ka tiursan dowladda oo Cabudwaaq ku sugan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu tago degmada degmada Cabudwaaq waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta degmadaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Odayaasha degmadaas si uu wadatashiyo ula yeesho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip