Al-Shabaab oo toogasho ku fuliyay Oday 75 Sano jir ah

0
28 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo toogasho ku fuliyay Oday 75 Sano jir ah

    Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku taalla deegaanka Tooratootoow ee Shabeellaha Hoose waxaa shalay Gelinkii dambe ay ku toogteen Oday jira da'da 75 kaas oo ay ku eedeeyen in uu isla wada guursaday Gabar iyo Hooyadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku taalla deegaanka Tooratootoow ee Shabeellaha Hoose waxaa shalay Gelinkii dambe ay ku toogteen Oday jira da'da 75 kaas oo ay ku eedeeyen in uu isla wada guursaday Gabar iyo Hooyadeed.


Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Tooratootoow ayay Al-Shabaab isugu yeereen,waxaana halkaasi ay ku toogteen Odaygaas oo Magaciisa lagu sheegay Abshir Maxamad Cabdi.

Garsooraha Maxkamada Al-Shabaab ee deegaanka Tooratootoow ayaa sheegay in uu Maxkamada u soo dacwooday Nin Adeer u ah Gabadha uu Odayga Guursaday oo lagu Magacaabo Xassan Khaliif Aadan,isaga ku eedeeyay in Gabadha Hooyadeed uu horay u qaban haatana uu Gabadha hal cunug ka dhalay.

Dhacdadaas oo ah mid ku cusub Soomaaliya ayaa waxaa xusid mudan in horay Al-Shabaab ay dil toogasho ugu fuliyeen dad ay ku eedeeyeen falal kala duwan iyo inay la Shaqeeyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip