Jeneraalkii Hoggaaminayay Ciidankii Itoobiya ee 2006 soo galay Soomaaliya oo geeriyooday

0
29 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraalkii Hoggaaminayay Ciidankii Itoobiya ee 2006 soo galay Soomaaliya oo geeriyooday

    Warbaahinta Dalka Itoobiya ayaa xaqiijisay geerida Jeneraal Abraha Woldemariam, oo ahaa Taliyihii Ciidanka Difaaca Itoobiya qeybta Koofur Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Dalka Itoobiya ayaa xaqiijisay geerida Jeneraal Abraha Woldemariam, oo ahaa Taliyihii Ciidanka Difaaca Itoobiya qeybta Koofur Bari.
Ninkan ayaa la xaqiijiyay in uu cudurka Kansarka ee ku dhaca wadnaha ugu geeriyooday Magaalada Bankok ee dalka Thailand.

Abraha Woldemariam, ayaa ka mid ahaa jenerraallada loogu aaminsanaa Dalka Itoobiya,waxaa uu qeyb ka ahaa dagaalkii Itoobiya iyo Eritrea,waxaa kale oo uu hoggaamiye ka ahaa Ciidamadii Itoobiya ee 2006dii xasuuqa ka geystay Soomaaliya.

Bishii February ee sanadkan ayuu isaga fariistay Ciidamada,waxaana uu todobaad ka hor fasax caafimaad ka qaatay Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.


Abraha Woldemariam, ayaa ka soo jeeda Gobolka Tigreega, markii uu xilkan ka fariisanayay waxaa uu Taliye ka ahaa Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay Harar kuwaas oo u xil saarran ismaamullada Soomaalida iyo Oromada.

Waxaa uu saaxiib la haa madaxweynihii hore ee dowlad Degaanka SOomaalida Cabdi Maxamuud Cumar intii uu Madaxweynaha.

Waa Jeneraalkii saddexaad oo todobaad gudahiis ay weyso Itoobiya,waxaana todobaadkii hore geeriyooday Seare Mekonnen, oo ahaa Taliyihii Guud ee Ciidanka Itoobiya,waxaa magaalada Adis ababa ku dilay Ilaaladiisa gaarka ah,waxaana uu falkaas qeyb ka ahaa Afmabi dhicisoobay.

Sidoo kale waxaa Ninkan lagu beddelay Adam Mohamed oo ah Jeneraal ka soo jeeda Gobolka Amxaarada kaas oo uu Abiye u magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Itoobiya.

Waxa kale oo isla todobaadkaas geeriyooday Jeneraal Gezae Aberra, oo isna 20 Sano u ahaa madaxii saadka ee Ciidanka Itoobiya inkasta oo uu hadda howlgab ahaa.

Isha:ezega.com/


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip