Maxkamadda Racfaanka Puntland oo dil kale ku xukuntay Raggii dilay Caasho Ilyaas Aadan

0
30 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Racfaanka Puntland oo dil kale ku xukuntay Raggii dilay Caasho Ilyaas Aadan

    Maxkamadda Racfaanka Maamulka Puntland ayaa dil toogasho ah ku ridday saddex Nin oo loo heysto kufsiga iyo dilka Caasho Ilyaan Aadan oo billowgii sanadkan ay ku dileen Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Racfaanka Maamulka Puntland ayaa dil toogasho ah ku ridday saddex Nin oo loo heysto kufsiga iyo dilka Caasho Ilyaan Aadan oo billowgii sanadkan ay ku dileen Gaalkacyo.
Maxkamadda Racfaanka ayaa waxaa ay xukunka dilka ku raacday Maxkamadda darajada 1aad ee Gobolka Nugaal oo dadkan dil horay ugu xukuntay.

Qareennada difaacaya Saddexda wiil ayaa waxaa ay sidoo kale racfaan ka qaateen xukunka saaka iyaga oo markan aadaya Maxkamadda sare ee Puntland.

Maxkamadda Gobolka Nugaal ayaa warqad lagu soo xirayo u jartay qareenkii difaacayay saddexda xukunsane oo isaga laftiisa lagu eedeeyay caay, iyo iska hor geenidda shacabka iyo Maamulka Puntland.


Puntland ayaa kufisga iyo dilka Caasho Ilyaan Aadan oo 12 jir ahayd u xirtay 10 qof,waxaana baaritaan lagu sameeyay hidda sidayaashooda lagu helay saddex Nin kuwaas oo xabsi ku jira.

Qoyska Caasho oo ka cabanayay Caddaalad darro ayaa isaga guuray Gaalkacyo waxaana ay u guureen dhinaca Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip