Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Shabeelaha Hoose oo lagu dilay Muqdisho

0
03 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Shabeelaha Hoose oo lagu dilay Muqdisho

    Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu dilay Saciid Cumar Xasan oo ku magac dheeraa Subeyr, waxaana uu ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu dilay Saciid Cumar Xasan oo ku magac dheeraa Subeyr, waxaana uu ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dilka ninkaan ayaa loo adeegsaday Mindi (Toorey), waxaana weeraray labo nin oo mindiyo watay, gudoomiyaha ayaa isna watay Bastoolad.

Goobjoogayaal iyo mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa BANA u sheegay in gudoomiyaha uu dhaawac u geystay mid kamid ah labadii ruux ee weerartay, waxaana gudoomiyaha iyo ninkii uu toogtay ay u geeriyoodeen dhaawac soo gaaray.


Mas’uuliyiin katirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa BANA u sheegay in hay’adaha ammaanka Dowladda ay baaris ku wadaan qofkii kale ee baxsaday.

Xubno katirsan Ehelka Marxuumka iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa BANA u sheegay in ay murmeen Saciid iyo labadii qof ee Mindida ku weerartay.

Ma jiro war kasoo baxay Maamulka Degmada Wadajir iyo saraakiisha Ciidamada Dowladda ee u xilsaaran amniga war ay kasoo saareen dhacdadaan.

Dhacdadaan oo xalay ka dhacday degmada Wadajir waxaa saakay hadal haya dadka degmada, waxaana socda baaris ay wadaan hay’adda dowladda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip