Booliska Philippines oo qabtay Nin ay sheegeen in uu ka tirsan yahay Al-shabab

0
03 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Philippines oo qabtay Nin ay sheegeen in uu ka tirsan yahay Al-shabab

    Booliska Dalka Philippines ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Nin u dhashay Dalka Kenya hayeeshee ka mid ah Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Dalka Philippines ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Nin u dhashay Dalka Kenya hayeeshee ka mid ah Al-shabaab.

Choclo Abdi Abdullah, ayaa laga qabtay Hotel ku yaalla Magaalada  Zambales oo ku taalla Waqooyiga Caasimadda Maniila.

Kenya ayaa horay Ninkan ugu jartay warqad lagu soo xirayo,waxaana ay sheegtay in uu ku biiray Al-shabaab sanadkii 2012kii.

Booliska Philippines ayaa sheegay in ay Ninkaasi gacanta ku dhigeen Isniintii gelinkeedii dambe kuna qabteen waxyaabaha qarxa, maaddooyin hub loo adeegsan karo, sidoo kalena xadgudub ku ah sharciga dalkaas in dalka lala galo.

Saraakiisha Philippines ayaa sheegay in Choclo Abdi Abdullah ay ku qabteen Baskoolad, Bambo gacmeed iyo maaddooyin kale oo qaraxyada loo adeegsan karo.

Dowladda Philippines ayaa sheegtay in Cabdullahi uu Magaalada Pasay Iskuul ku yaalla ka baranayay duuliyenimada, sida loo afduubo diyaaraha iyo wixii la mid ah.

Waxa kale oo lagu eedeeyay in uu ka been abuuray Dukumintiyada uu ku joogay gudaha Dalka Philippines.

Isha:coastweek.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip