Soomaaliya & Guinea-Conakry

0
05 July, 2019 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya & Guinea-Conakry

    Sida uu shaaciyey Wasaaradda Arrimaha dibaddu Dowladda Soomaaliya waxa ay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Jamhuuriyadda Guinea oo dhacda galbeedka Afrika, Guinea waa waddan ay ku nool yihiin dad kabadan 12 Milyan waxaana horay loogu yeeri jiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida uu shaaciyey Wasaaradda Arrimaha dibaddu Dowladda Soomaaliya waxa ay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Jamhuuriyadda Guinea oo dhacda galbeedka Afrika, Guinea waa waddan ay ku nool yihiin dad kabadan 12 Milyan waxaana horay loogu yeeri jiray French Guinea, bedka waddankaasi uu ku fadhiyo waa 245, 860 Km oo iskuweer ah.

Si looga sooco waddamada u magaca eg sida Guinea-Bissau iyo Equatorial Guinea  waxaa waddankan loogu yeeraa Guinea-Conakry, Caasimaddiisu waa Conakry.


Guinea waxa ay xorriydda kaqaadatay Faransiika 1958, Nidaamka dowladda ee Guinea waa hannaanka Jamhuuriga ama dowlad dhexe oo xooggan waxaa madaxweyne ka ah Alpha Condé oo ah madaxweynihii 4aad ee qabta talada Guinea, waxaana raisalwasaare ka ah Ibrahima Kassory Fofana.




Soomaaliya iyo Guinea waxa ay ka wada tirsanyihiin midoowga Afrika, waxa ayna leeyihiin xiriir diblomaasiyadeed oo aan Safiir joogin (None Resident Ambassador). Danjiraha Soomaaliya ee magaalada Dakar-Sinigal ayaa isku hayey xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la lahayd Senigal iyo Guinea.

Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay caalamka ku leedahay 33 safaaradood oo shaqeeya hayeeshee kuma jirto dalka Gani waddamada ay Soomaaliya kuleedahay Safaaradaha, magaalada Muqdisho waxaa ku yaala 17 safaaradood balse Gani kuma waddamada Muqdisho kuleh Safaaradaha.

Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan la leh Guinea waxaana suuragal ah in Turkigu noqdo waddanka u kala dabqaadi doona Soomaaliya iyo Guinea.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip