Golaha Militariga Suudaan iyo Mucaaradka oo heshiis gaaray

0
05 July, 2019 in Wararka by
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Militariga Suudaan iyo Mucaaradka oo heshiis gaaray

    Golaha Ciidamada Suudaan ayaa heshiis awood qaybsi ah la gaaray xulafada mucaaradka inta ay dalka doorasha ka dhaceyso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Ciidamada Suudaan ayaa heshiis awood qaybsi ah la gaaray xulafada mucaaradka inta ay dalka doorasha ka dhaceyso.

Kooxda Wada xaajoodka ka dhex wada labada dhinac waxa ay sheegeen iney awoodaha ugu sarreeya dalka wareegta ka dhigaan.

Ururka Midowga Afrikana wuxuu sheegay iney labada dhinac ku heshiiyeen in la dhiso dowlad madax bannaan iyo in la baaro rabshadihi toddobaadyadii ugu dambeeyey dhacayey iyo dhibaatooyinka ka dhashay.

Warka ku saabsan heshiiska labada dhinac ay gaareen markii la shaaciyey waxaa waddooyinka dalkaasi isugu soo baxay dadweyne heshiiska ku faraxsan.

Xaaladda dalka Suudaan ayaa cakirneyd tani iyo marka xilka laga tuuray madaxweynihi hore ee Suudaan Omar al-Bashir bishii April ee sanadkan.

Mudaharaadyada dalka Suudaan ka socday ayaa ahaa mid looga soo horjeeday xukunka Mr Bashiir oo talada dalka afgambi ku qabsaday June 1989.

Wadahadallada labada dhinac ku dhex marayey qasriga madaxtooyada Khartoum oo horraanti toddobaadkan dib u billawday waxaa dhexdhexaadinayey Risulwasaaraha Itoobiya iyo Xubno ka socday midowga Afrika.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip