Somalida Lancashire oo ka banaanbaxay 12 jir Wabi lagu tuuray

0
06 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalida Lancashire oo ka banaanbaxay 12 jir Wabi lagu tuuray

    Soomaalida ku dhaqan degaanka Bury ee dalka UK ayaa dhigay banaanbax ay uga soo horjeedaan Gabar 12 jir ahayd oo lagu tuuray Wabiga Irwell ee Magaalada Lancashire.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalida ku dhaqan degaanka Bury ee dalka UK ayaa dhigay banaanbax ay uga soo horjeedaan Gabar 12 jir ahayd oo lagu tuuray Wabiga Irwell ee Magaalada Lancashire.
Shukri Yaxye Cabdi oo 12 jir ahayd ayaa Meydkeeda 28kii Bishii June laga helay Wabiga iyada oo aan la garaneyn cidda sidaas yeeshay.

Qoyskeeda, deriska iyo Ardeydii ay isku Iskuulka ahaayeen ayaa banaanbax ka dhigay Magaalada Lancashire.

Waxaa ay dalbadeen in Boolisku baaritaan degdeg ah ku sameeyo ciddii ka dambeysay falkaas xun ee lagu dilay gabadha Soomaaliyadda ahayd.


Dadkan ayaa Jimcihii shalay isugu soo baxay Masaajidka Nuurul Islaam ee Magaalada  Lancashire, waxaa ay halkaas ugu baroordiiqeen Shukri iyaga oo dalbaday in Gabadhaasi caddaalad hesho.

Dalab lagu doonayo baaritaan lagu sameeyo kiiska lagu dilay gabadhaas ayaa maraya 30,000 oo saxiix,waxaana Booliska Manchester laga codsaday in ay baaritaan rasmi ah ku sameeyaan arrintan.

Maz Saleem, oo ka mid ah dadka u dhaq dhaqaaqa isir naceybka ayaa waxaa uu ku baaqay in banaanbaxa uu sii socdo ilaa ay Shukri ka hesho caddaalad.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip