Cunaqabateyn & go'doomin dheeri ah: Washington oo hanjabaad u dirtay Dahraan

0
08 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cunaqabateyn & go'doomin dheeri ah: Washington oo hanjabaad u dirtay Dahraan

    Madaxweyne Donald Trump ayaa hanjabaad u diray xukuumadda Dahraan kaddib markii midda dambe ay shaacisay in ay kor u qaadeysao heerka bacriminta iyo horumarinta macdanta Uranium-ka, Trump ayaa carrabka ku adkeeyey in Iiraan aanay weligiid u suuroobi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Donald Trump ayaa hanjabaad u diray xukuumadda Dahraan kaddib markii midda dambe ay shaacisay in ay kor u qaadeysao heerka bacriminta iyo horumarinta macdanta Uranium-ka, Trump ayaa carrabka ku adkeeyey in Iiraan aanay weligiid u suuroobi doonin yeelashada hub Nukliyeer ah, Michael Richard Pompeo Wasiirka Arrimaha dibadda ee USA ayaa dhiniciisa ugu gooddiyey Iiraan in ay la kulmi doonto cunaqabateyn & go'doomin dheeri ah.


Donald Trump oo galabtii Axadda la hadlay Warbaahinta isaga falanqeynayey go’aanka Iiraan ee hoos u dhigidda kusii socoshada Heshiiska Nukliyeerka ee la saxiixay 2015 ayaa yiri: "Iiraan Waxaa u wanaagsan in ay si feejigan u dhaqanto, maxaayeelay bacriminta macdanta Uranium-ku waxa ay leedahay ujeedda aan wanaagsanayn, waxaa u wanaagsan in ay digtoonaadaan

Trump ayaa kutilmaamay heshiiska Nukliyeerka ee Iiraan oo ay wada saxiixeen Dahraan, awoodaha adduunka iyo maamulkii kahorreeyey Trump ee madaxweyne Barack Hussein Obama in uu yahay heshiiska ugu nacsnimada badan adduunka, waxa uu yiri: ” Iiraan waxa ay sameyneysaa waxyaabo xun, waana isku mid haddii aan la galno Iiraan wadahadaladan muhiimka ah hadda ama sanadahada kooban ee soosocda, Iiraan weligeed ma yeelaneyso hub Nukliyeer ah”

Michael Richard Pompeo

Wasiirka Arrimaha dibada ee Mareykanka

Michael  Pompeo wasiirka Arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa horay ugu celceliyey in ballaarinta Iiraan ee Barnaamijkeeda Nukliyeerku uu horseedi doono cunaqabateyn iyo go’doomin dheeri ah, isaga oo kusheegay war uu ku qoray Twitter-ka in haddii Iiraan hesho hub Nukliyeer ah ay halis weyn ku tahay Caalaka.

Iiraan ayaa shaacisay Axaddii shalay galab in ay billaabeyso kordhinta heerka bacriminta macdanta Nukliyeerka in kabadan 3.67% taas oo uu ogolaanayo heshiiska Nukliyeerka kaddib markii ay dhammaatay muddadii 60ka maalin ahayd ee Iiraan u qabatay dowladaha reer Yurub ee saxiixay heshiiska si ay uga horjoogsadaan Mareykanka sii wadidda cunaqabateynta iyo go’doominta Iiraan taas oo uu soo ragay Trump kaddib markii uu ka baxay heshiiska.


Madax sare oo katirsan Iiraan oo shalay qabtay shir saxaafadeed ayaa sheegay in Iiraan ka taqalusi doonto heshiiska Nukliyeerka haddii aan dowladaha reer Yurub ee saxiixay heshiisku ka illaalin Iiraan cunaqabateynta Mareykanka.

Maxamed Jawaad Dariif wasiirka arrimaha dibadda

Maxamed Jawaad Dariif wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa war uu ku qoray Twitter-ka waxa uu ku sheegay in oo keli ah Iiraan ay uga joogsan karto kataqalisidda heshiiska Nukliyeerka haddii ay saddexda dowladood ee saxiixay heshiiska ee Yurub ay fuliyaan ballanqaadkoodii.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip