Qarax lala eegtay Ciidamo Itoobiyan ah & faah faahin kasoo baxeysa

0
08 July, 2019 in Wararka by
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax lala eegtay Ciidamo Itoobiyan ah & faah faahin kasoo baxeysa

    Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah oo geystay khasaaro kala duwan, kaas oo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay duleedka degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah oo geystay khasaaro kala duwan, kaas oo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay duleedka degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Kolonyo  ka tirsan ciidamada Itoobiya oo kusoo wajahnaa degmada xudur ee Xarunta gobolka Bakool ay ahaayeen Ciidamada qaraxa lala eegtay,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in meel u dhow degmada Ceelbarde lagu qarxiyay Ciidamada.

Ilaa iyo hadda si cad looma oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee qaraxaasi ka dhashay,hayeeshee Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka waxaa ay ku sheegteen in mid ka mid ah gawaarida Ciidamada Itoobiya ee Uuraalka loo yaqaano ay ku gubeen qaraxaas.

Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan  Gobolka Bakool iyo kuwa Dowladda Soomaaliya dhankooda weli kama hadlin qaraxaas,waxaana uu kusoo aadaya xilli degmada Xudur ay ku sugan yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan & Agaasimaha la keensaday Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip