Dowladda Somaliya oo soo saartay amarro ku saabsan amniga Muqdisho

0
09 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somaliya oo soo saartay amarro ku saabsan amniga Muqdisho

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay amarro la xiriira dhinaca amniga si loo sugo amniga Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay amarro la xiriira dhinaca amniga si loo sugo amniga Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta dhinaca amaanka oo xalay ka qeybgalay shirka Amniga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa laga soo saaray amarro dhowr ah.

Duqa Muqdisho oo ka hadlayay kulankaas ayaa u digay Ciidanka xoogga dalka ee Tuutahooda ku dhexmara Magaalada iyaga oo hubeysan.

Waxaa kale oo uu Mas’uuliyiinta dowladda ka codsaday in ay ilaaliyaan waardiyayaashooda islamarkaana ay qeyb ka qaataan sugidda amniga.

Waxaa uu saraakiisha Ciidanka xoogga dalka iyo Askarta ilaalada u ahba ka codsaday in goobaha ay ku suganyihiin Ciidamada Booliska ku maraan nidaam islamarkaana aysan rasaas furin xilliyada ay saxmadda jirto.

Dhinaca kale Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in Gaadiidleyda sida Bajaajlayaasha iyo noocyada kala duwan ee Gaadiidka looga baahanyahay in ay is diiwaangeliyaan.

Dadka iska iibinaya Gaadiidka ayuu sheegay in gaarigaas oo magaca qofkii hore ku diiwaangashan haddii dhib lagu geysto loo qaban doono qofka ku qoran ee markii hore iibsaday haddii uusan wareejintiisa ku wargelinin dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip