Dad ku dhintay Miino kula kacday duleedka Dhoobley

0
09 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad ku dhintay Miino kula kacday duleedka Dhoobley

    Wararka naga soo gaaraya Degmada DHoobley ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen Miino la kacday Gaari ay la socdeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Degmada DHoobley ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen Miino la kacday Gaari ay la socdeen.

Tirada dadka dhimatay ayaa la isku khilaafsanyahay iyada oo saraakiisha caafimaadka Dhoobley ay sheegayaan in saddex qof oo rayid ah ku dhinteen qaraxa.

Nuur Biixi oo ah isu duwaha Caafimaadka Dhoobley ayaa sheegay in qaraxaasi sababay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca tiro kale.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay tiradooda ku dhowdahay lix ilaa todobo qof.

Dadkan ayaa waxaa ay ku dhinteen Gaari Hoomey ah oo Caano ka qaaday Degmada DHoobleey una waday degaannada hoostaga.

Markii uu soo laabtay ayaa la sheegay in ay Miino dhulka la geliyay kula kacday duleedka dhoobley halkaas oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii saarnaa Gaarigaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip