Xuska Madaxbanaanida Koofurta Suudaan oo maanta u baaqday miisaaniyad la'aan

0
09 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska Madaxbanaanida Koofurta Suudaan oo maanta u baaqday miisaaniyad la'aan

    Dowladda Koofurta Suudan iyo dadkeeda ayaa maanta u dabaal degi lahaa sanadguurada 8aad ee ka soo wareegtay markii ay madaxbanaanida ka heleen Suudaanta kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Koofurta Suudan iyo dadkeeda ayaa maanta u dabaal degi lahaa sanadguurada 8aad ee ka soo wareegtay markii ay madaxbanaanida ka heleen Suudaanta kale.

Wasiirka Warfaafinta dalka Suudaanta Koofureed Michael Makuei, ayaa xalay warbaahinta ka sheegay in 9ka July oo ku beegan maanta aysan jiri doonin wax dabaal deg ah oo ay dowladda u sameyn karto maalintaas dhaqaalo xumo heysata awgeed.

Waxaa uu Wasiir Michael Makuei, sheegay in xuskooban oo heerkiisa aad u hooseeyo ay qabaneyso dowladda.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir, ayuu sheegay in uu Khudbad ka jeedin doono Telefeshanka Dowladda halkii ay ahayd in uu munaasibadaha ka hadlo.

Koofurta Suudaan oo sanadkii 2011kii ka go’day Suudaanta kale ayaa waxaa dagaal sokeeye uu ka billowday sanadkii 2013kii.

Dowladda Koofurta Suudaan ayaa tan iyo madaxbanaanideedii siddeed Sano ka hor waxa ay xus weyn u sameysay sagaalka july sanadkii 2014kii oo kaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip