.Masar oo lagu xiray nin taageersan Xusni Mubaarak, aadna u dhaliila Madaxweyne Al-sisi

0
12 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    .Masar oo lagu xiray nin taageersan Xusni Mubaarak, aadna u dhaliila Madaxweyne Al-sisi

    Ninkaasi oo lagu magacaabo Kariim Xuseen waxa uu leeyahay Bar Facebook oo uu ku taageero Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Xusni Mubaarak, oo Kacdoon Dadweyne xilka looga qadaay sannadkii 2011-kii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninkaasi oo lagu magacaabo Kariim Xuseen waxa uu leeyahay Bar Facebook oo uu ku taageero Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Xusni Mubaarak, oo Kacdoon Dadweyne xilka looga qadaay sannadkii 2011-kii.
Dacwad-oogayaasha Masar waxay Kariim Xuseen ku soo oogeen inuu faafinayey Warar Been Abuur ah iyo inuu wax u dhimay Danaha Qaranka, isagoo sheegay inaysan Dowladda Madaxweyne C/fataax Alsiisii wax taageero ah siinin dadka Saboolka ee uu Xusni Mubaarak dhaqaalaha siin jirey.

Eedeysanaha oo maalintii Talaaadada la xiray waxa uu Bog loogu magac daray: "I’m sorry, Mr. President” oo la micno ah  "Waa ka xumahay Md. Madaxweyne " ku leeyahay Facebook-ga, oo ay in ka badan 3 million Taageerayaal ama Macaamil ku xiran yihiin Boggiisa Facebook-ga.


Dowladda Masar waxay sannadihii la soo dhaafay xabsig dhigtay dad isugu jira Suxufiyiin, U-ololeeyayaal Xuquuqda Aadanaha iyo dadka wax ku qora Internet-ka ee Bloggers-ka iyo kuwo kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip