Magacyada qaar ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo

0
13 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada qaar ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo

    Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar shalay gelinkii dambe Al-shabaab ka geysteen Hotel Cas caseey oo ku yaalla Magaalada Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar shalay gelinkii dambe Al-shabaab ka geysteen Hotel Cas caseey oo ku yaalla Magaalada Kismaayo
Hodon Naaleeye oo ahayd Gabar Wariye ah caanna ka ahayd baraha Bulshada,Hodon waxaa ay heysatay Canada waxaana ay lahayd Bogga Internetka ee Integration TV, waxaa ay ku baahin jirtay muuqaallo sawir wanaagsan ka bixinaya Soomaaliya.
AUN Hodon Naaleeye.

Hodon waxaa ay 15kii Bishii June ee la soo dhaafay Tuulo Barwaaqo oo ku taalla Gobolka Sanaag ka furtay Iskuul ay wax ku baranayaan 150 Carruur ah oo ka soo jeeda dadka Reer aGuuraaga ah.


Waxaa kale oo dadka dhintay ka mid ah, Seyga Hodon Naalleeye oo lagu magacaabi jiray Fariid Jaamac, waxaa uu Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ka soo noqday Jubaland
Fariid Jaamac iyo Xaaskiisii Hodon Naaleeye.

Wariye Maxamed Sahal Gacmadheere, waxaa uu ahaa Wariye ka howlgalayay Telefeshinka SBC xaruntiisa Kismaayo.
Wariye Maxamed Sahal Cumar (Gacmadheere)

Dadka kale eek u dhintay weerarkaas waxaa ka mid ahaa Ganacsade lagu magacaabi jiray Arbacow Rukun,waxaa kale oo dadka dhintay ka mid ahaa  Deeq Ciise Wabi oo u shaqeynayay Hay’ad aan dowli ahayn.
Oday ka mid ah Dadka dhintay oo aan magaciisa helin.

Sidoo kale waxaa weerarka Hotelka Cas casey ku dhintay Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ka mid ahaa musharrixiinta xilka madaxweynaha doorashada Jubaland.
AUN Maxamed Ismaaciil Shuuriye.

Waxaa kale oo weerarkaas ku dhintay Mahad Cabdullahi Nuur (Garguurte) oo ka dhashay qoys Ganacsiga caan ku ah islamarkaana deggan Tanzania,waxaa isaga iyo ganacsato u kala dhashay China iyo Tanzania u tageen Kismaayo in ay qiimeyn ku sameeyaan Ganacsi ay maalgashan karaan, mid ka mid ah dadka u dhashay China ayaa ka mid ah dadka dhintay.
AUN Mahad Cabdullahi Garguurte.

Dadka weerarka Hotelka ku nafwaayay waxaa ka mid ah Nin magaciisa lagu sheegay Ina Cigaal Shidaad oo Kismaayo u joogay arrimaha doorashooyinka Odayaasha dhaqankana ka mid ahaa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip