Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa Dhuusamareeb

0
14 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa Dhuusamareeb

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Maqaaxi kasoo horjeeda Xarunta Inji ee uu ku Shaqeeya Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ee Magalada Dhuusamreeb ee Gobolka Galgaduud kaas oo sida la sheegay geystay khasaaro ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Maqaaxi kasoo horjeeda Xarunta Inji ee uu ku Shaqeeya Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ee Magalada Dhuusamreeb ee Gobolka Galgaduud kaas oo sida la sheegay geystay khasaaro kala duwan.
Ruux isku-soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in uu Maqaaxida iskuu qarxiyay,waxaana wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ay sheegeen in qaraxaasi uu ku dhintay Ruuxii ismiidaamiyay,isla markaana ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex Ruux sidoo kalena uu burbur xoogan soo gaaray Maqaaxida.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Inji oo ku dhow goobta uu qaraxa ismiidaamin ah ka dhacay.


Magalada Dhuusamareeb waxa ku sugan Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana weli qaraxaasi ka hadlin Hay’adaha Amniga ee ka howlgalla Magalada Dhuusamareeb.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip