Dhul Gariir ku dhuftay Waqooyi Bari Soomaaliya

0
15 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhul Gariir ku dhuftay Waqooyi Bari Soomaaliya

    Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas xalay fiidkii laga dareemay dhul Gariir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas xalay fiidkii laga dareemay dhul Gariir.

Khubarrada dhinaca Dhul Gariirka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhul Gariirkaas cabbirkiisu ahaa 5.0magnitude .

Meelaha Dhul Gariirkan xalay laga dareemay waxaa ka mid ah Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari oo ku taalla Xeebta Gobolka Bari ee Puntland.

Dhul Gariirkan xalay ku dhuftay Gobolka Bari ayaa ka dhacay meel Magaalada Bareeda u jirta 171 KM.

Waxaa uu saameeyay 10km isku wareeg ah,waxaana jihadiisu ahayd 13.3039 digrii oo waqooyiga ah iyo 50.449 oo jihada bari ah.

Soomaaliya kuma badna dhul Gariirrada ilaa haddana faah faahin rasmi ah lagama helin Dhul Gariirka xalay fiidkii ka dhacay Xeebaha Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari ee Puntland Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip