Wasiirka arrimaha Gudaha oo maanta tagaya Dhuusamareeb

0
16 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka arrimaha Gudaha oo maanta tagaya Dhuusamareeb

    Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka XUkuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta tagaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka XUkuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta tagaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.
Safarka Wasiir Sabriye ayaa la sheegayaa in uu ku saleysanyahay shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug ee lagu wado in uu dhawaan ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Wasiir Sabriye u wakiishay in uu ka shaqeeyo dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug.

Magaalada waxaa wali ku sugan Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana uu halkaas u tagay dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug.


Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineysa dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug kaddib markii Madaxweynaha Galmudug uu oggolaaday in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

Doorashada ayaa qorshuhu ahaa in ay dhacdo 4tii bishan laakiin waxaa dib u dhacay doorashadaas iyada oo ilaa hadda aysan jirin ergooyin meel isugu tagay oo ka doodaya xulidda Baarlamaanka iyo dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip