Al-shabab oo 45 cesho u qabtay Odayaashii soo xulay Xildhibaannad Soomaaliya

0
16 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabab oo 45 cesho u qabtay Odayaashii soo xulay Xildhibaannad Soomaaliya

    Xarakada Al-shabaab ayaa muddo 45 Cisho ah u qabatay in ay isku diiwaangeliyaan Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-shabaab ayaa muddo 45 Cisho ah u qabatay in ay isku diiwaangeliyaan Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay soo saartay Al-shabaab ayey ku sheegeen in laga billaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 15ka July ilaa 1da September ay heystaan Odayaasha in ay isaga diiwaangeliyaan meelaha ay ka taliyaan Al-shabaab.

Qoraalka ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Odayaashaan Towxiidka dib loogu qabanayo islamarkaana laga xaqiijinayo.

War-saxaafadeedka ayaa Odayaasha uga digay in ay soo xulaan Xildhibaannada ka shaqeynaya sida ay hadalka u dhigeen Dastuurka.


Al-shabaab ayaa sidoo kale Odayaasha uga digay in ay ka qeyb noqdaan dagaalka ay Dowladda iyo AMISOM uga soo horjeedaan Al-shabaab.

War-saxaafadeedka Al-shabaab ayaa Odayaasha aan qaadan amarkooda ugu gooddiyay in ay dili doonaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip