Qarax ka dhacay Degmada Waabari

0
17 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax ka dhacay Degmada Waabari

    Qaraxa lagu xiray Gaari kuwa raaxada ah ayaa ka dhacay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxa lagu xiray Gaari kuwa raaxada ah ayaa ka dhacay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo ka dhacay agagaarka saldhigga cusub ee Degmada Waabari ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay qof ka agdhawaa.

Qofka dhaawacmay ayaa la sheegay in uu ahaa qof Dukaan ku iibinayay goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana hortiisa ku qarxay Gaariga.

Ilaa hadda lama shaacin qofka lahaa Gaariga lagu dhejiyay qaraxa ee ku qarxay Degmada Waabari ee Muqdisho.


Saldhigga cusub ee Degmada Waabari ayaa u dhow Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Shalay ayaa sidoo kale qarax ka dhacay isgoyska Blacksea ee Muqdisho waxaa ku dhintay labada qof waxaana ku dhaawacmay saddex kale.

Qaraxyada ugu badan ee ka dhaca Muqdisho ayaa hadda ah kuwa lagu xiro Gaadiidka ee loo yaqaanno dhejiska,waxaana inta badan lala beegsadaa dad gaar ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip