Al-shabab oo sheegatay dilal ka dhacay Muqdisho

0
17 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabab oo sheegatay dilal ka dhacay Muqdisho

    Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegatay dilal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegatay dilal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Al-shabaab ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Xidigoow Cumar Dhajuun oo shalay lagu dilay Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho.

Dhagajuun ayey AL-shabaab ku sheegeen in uu ka mid ahaa Booliska Soomaaliya, dadka xaafadda lagu dilau Xidigow ayaa u sheegay BANA in uu Dukaan ku lahaa xaafadda Aba Gado ee Degmada Dharkenley.

Dhinaca kale Koox hubeysan ayaa shalay gelinkii dambe waxaa ay xaafadda Suuq Bacaad ku dileen sarkaal Al-shabaab ay sheegeen in uu ka mid ahaa Madaxtooyada Soomaaliya.


Al-shabaab ayaa Ninka ay ku dileen Suuq Bacaad Magaciisa ku sheegay Cumar Coloow oo laba xiddigle ahaa.

Waxaa ay sheegeen in kooxdii dilka geysatay ay qaateen mooto uu ninkaasi watay islamarkaana kooxdii dilka geysatay ka baxsadeen goobta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip