Odayaasha Jubaland oo billaabay xulista Baarlamaanka Maamulkaas

0
20 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Odayaasha Jubaland oo billaabay xulista Baarlamaanka Maamulkaas

    Odoyaal dhaqameed dhawaan loo qabtay tababar ku saabsan habraaca xulista Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in uu bilawday xulista Xildhibaanada Cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odoyaal dhaqameed dhawaan loo qabtay tababar ku saabsan habraaca xulista Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in uu bilawday xulista Xildhibaanada Cusub.
Beelaha ay kasoo jeedaan Xildhibaanada kuraasta loo tartamaya ayay Odoyaashaan sheegeen in ay ku wargeliyeen diyaarinta xubnaha ku matalaya Baarlamaanka Cusub.

Waxa ay meesha ka saareen eedeymo loo jeediyay oo ku saabsan in ay u kala xaglinayaan Musharixiinta Jubbaland.

Odoyaashaan ayaa sheegay in ay ka qaybgaleen xulista Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka qaybta Jubbaland iyo isla Baarlamaanka Maamulkaas ee waqtigiisa dhamaaday.


Madax dhaqameedkaan kulanka ku yeeshay Magaalada Kismayao ayaa tilmaamay in labo Oday ay ka maqan yihiin, iyagana ay casuuman yihiin.

Shaqsiyaad aysan farmuuqin ayay ku eedeeyeen in ay iska hor keenayaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyaga oo kaga faaiideysanaya dano gaar ah sida ay hadalka u dhigeen.

Musharixiin u tartameysa xilka ugu sareeyo Jubbaland ayaa dhowaan ashtako ka muujiyay guddiga doorashada oo ay ku eedeeyeen in ay u xaglinayaan Madaxweyne Axmed Madoobe.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip