Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Danjiraha UK iyo wakiilka Qaramada Midoobey

0
21 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Danjiraha UK iyo wakiilka Qaramada Midoobey

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo danjiraha UK ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo danjiraha UK ee Soomaaliya.
Ben Fender iyo James Swan ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulanka dhexmaray saddexda mas’uul ayaa xoogga lagu saaray in Qaramada Midoobey iyo Dowladda Ingiriiska ay Soomaaliya gacan ka siiyaan hanaanka deyn cafinta, doorashada 2021 iyo sidii ay dowladda Federaalka ah u baahin lahayd adeegyada aas aasiga u ah bulshada SOomaaliyeed.


Madaxda Qaramada Midoobey iyo UK u jooga Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya u ballan qaaday in ay kala shaqeynayaan dhamaan waxyaabaha ay soo gudbisay Dowladda Federaalka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu shalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika waxaana hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee dalka Koofur Afrika Thabo Mbeki.

Mbeki iyo wafddigiisa ayaa ku sugan Muqdisho waxaana ay maanta kulamo la qaadanayaan ururrada Bulshada rayidka ah, wakiillada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee Muqdisho iyo xubno kale.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip