Deni: "Lacagta Beesha Caalamka looga qaaday Magaca Somaliya yaan lagu kicin dhallinyarada"

0
21 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 89
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deni: "Lacagta Beesha Caalamka looga qaaday Magaca Somaliya yaan lagu kicin dhallinyarada"

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland SIciid Cabdullahi Deni ayaa dhaliila kala dul dhacay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland SIciid Cabdullahi Deni ayaa dhaliila kala dul dhacay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay lacagihii ay ku qaadday Magaca Soomaaliya ku kicineyso Dhallinyarada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa daba socday Lacago dowladda Federaalka ah ku bixisay dhimsha Garoonka Gaalkacyo iyo Waddo ku taalla Magaalada Boosaaso.

Waxaa uu sheegay in lacagaha lagu qaado magaca Soomaaliya ay dowladda Federaalka ah ku bixineyso kicinta dhallinyarada Puntland sida uu hadalka u dhigay.


Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayaa bixiyay $220,000 doollar oo loogu talagalay Garoonka Waqooyiga Gaalkacyo,waxaa kale oo dowladda SOomaaliya ay bixisay $150,000 oo doollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay dhismaha Waddada Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay dadkii lacagahaas kala wareegay Dowladda Federaalka ah,waxaana ay ku eedeeyeen in ay diideen in lacagahaas ku celiyaan dowladda Soomaaliya.

Intaas kaddib Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay la hadlay Madaxweynaha Puntland si loo siidayao dadka ay xirtay Puntland oo ku doodeysa in lacagahaas aan laga talo gelin.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda ku doodday in aan la siyaasadeyn mashaariicda dhaqaale ee dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip