Puntland oo ka hortimid amarkii MW Farmaajo ee lagu siideynayay Guddiga dhismaha Waddada Bosaaso

0
21 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 89
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo ka hortimid amarkii MW Farmaajo ee lagu siideynayay Guddiga dhismaha Waddada Bosaaso

    Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka soo horjeesatay amar uu shalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo siiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, kaas oo ahaa sii deynta Guddiga dhismaha Waddada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka soo horjeesatay amar uu shalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo siiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, kaas oo ahaa sii deynta Guddiga dhismaha Waddada Boosaaso.
Xeer Ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Aw -Cismaan ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland midkoodna uusan awood u lahayn in la siidaayo xubnaha Guddiga ah ee xiran.

Aw-Cismaan ayaa sheegay in Xubnaha Guddiga ee ku kala xiran Garowe iyo Boosaaso aysan u xirneyn amar uu bixiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni iyo mas’uul kale oo ka tirsan Puntland hayeeshee ay u xiranyihiin hay’adaha Garsoorka Puntland.


Xeer Ilaaliyaha Puntland ayaa waxaa uu sheegay in Guddiga la xiray ay siideyntooda go’aan ka gaarayaan kaliya hay’adaha garsoorka ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay la xiriiray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni waxaana uu ka dalbaday in la sii daayo xubno Guddi ah oo loo saaray dhismaha Waddada Boosaaso iyada oo lacagta ku baxeysay ay bixisay Dowladda Federaalka ah hayeeshee Puntland Guddiga amartay in lacagta ay dib u celiyaan laakiin ay ka madax adeygeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip