Maleeshiyaad ku dagaalamay Gobolka Hiiraan oo la kala qaaday

0
21 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad ku dagaalamay Gobolka Hiiraan oo la kala qaaday

    Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo dhaweeysay dadaalladii lagu kala dhex galay beello Walaallo ah oo ku dagaalamay deegaanno ka tirsan Hirshabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo dhaweeysay dadaalladii lagu kala dhex galay beello Walaallo ah oo ku dagaalamay deegaanno ka tirsan Hirshabeelle.
Wasiirk ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle, Cismaan Cabdullaahi Dhoore oo la hadlay Warbaahinta Dowladda  ayaa uga mahadceliyay Odayaasha dhaqanka kaalintii ay ka qaateen xalinta dagaal beeleed ka dhacay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa sheegay in la kala qaaday labadii beellood ee walaallaha ahaa,isagoona ugu baaqay dadka ku nool deegaanada dowlad Goboleedka Hirshabeelle in ay ka shaqeeyaan Nabadda si uusan dib ugu soo laaban dagaal dhex mara beello walaallo ah.


Hadalka Wasiir ku xigeenka ayaa yimid ka dib markii dhawaan labbo beel oo Walaallo ah ay ku dagaalameen deegaanno hoos yimaada degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip