Maxaa sababay magacaabista Guddiga KMG ah ee diyaarinaya sharciga doorashooyinka Qaranka?

0
21 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa sababay magacaabista Guddiga KMG ah ee diyaarinaya sharciga doorashooyinka Qaranka?

    Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh/C/raxmaan ayaa maanta magacaabay Guddi ka kooban 15 xubnood oo noqonaya Guddiga KMG ah ee diyaarinaya sharciga doorashooyinka Qaranka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh/C/raxmaan ayaa maanta magacaabay Guddi ka kooban 15 xubnood oo noqonaya Guddiga KMG ah ee diyaarinaya sharciga doorashooyinka Qaranka.
Muxuu yahay sharcigan?

Sharcigan waxaa uu noqonayaa midka lagu dhaqmayo xilliga ay dhacayaan doorashooyinka qaranka ee dalka oo ay ugu soo horreyso doorashada 2020/201.

Sharcigan waxaa horay u diyaarisay Wasaaradda arrimaha gudaha, Feredaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya,waxaana ay golaha shacabka u gudbisay 2dii May 2019.


Markii Golaha shacabka uu qaabilay hindise sharciyeedka Doorashooyinka qaranka ee ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa waxaa ka hor yimid dowlad Goboleedyada, xisbiyada  iyo Ururrada bulshada rayidka ah.

Maxaa lagu qoonsaday xeerka ay soo diyaarisay Wasaaradda arrimaha gudaha?

Inta ugu badan madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, xisbiyada iyo ururrada bulshada rayidka ah ee ka soo horjeestay waxaa ay sheegeen in xeerkan uu oggolaanayo muddo kordhin loo sameeyo Madaxtooyada iyo Golaha shacabka.

Qodobka 56aad ee xeerkan farqaddiisa 1aad ayaa sheegaya in haddii dalku ka dhacaan daruufo sababi waaya in doorasho ka dhacdo dalka ay Xildhibaannada Golaha shacabka shaqada sii wadayaan ilaa Guddiga doorashada uu ka shaaciyo muddada doorashada la qabanayo.

Isla qodobkan xarafkiisa farqadiisa 7aad ayaa waxaa ay leedahay "Muddada xil heynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa ay la kordheysaa muddada cusub ee Golayaasha sharci dejinta maaddaama ay doorashadu xilligeedii ku qabsoomi weysay ".

Madaxda dowlad Goboleedyada, Mucaaridka iyo ururrada Bulshada rayidka ah ayaa sababihii ugu badnaa ee ay xeerkan uga hor yimaadeen ku sheegay in ay ku diidayaan qodobada kor ku xusan ee muddo kordhinta siinaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo aan si rasmi ah u sheegin in hindise sharciyeedkii Xukuumadda meel marisay la laalay iyo in kale ayaa maanta magacaabay Guddiga KMG ah ee diyaarinaya sharciga doorashooyinka qaranka.

Sababaha Magacaabista Guddiga ee uu cuskaday Guddoomiye Mursal

Guddoomiyaha ayaa warqadda uu ku magacaabay Guddigan waxaa uu ku sheegay in uu arkay muhiimad iyo saameyn uu leeyahay xeerkan,  in la hubiyo in sharcigan raalli ka yihiin qeybaha kala duwan ee bulshada, Qodobka 47aad ee Dastuurka KMG ah oo golaha shacabka faraya diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka , iyo baahi gaar ah oo loo qabo diyaarinta Guddi gaar ah oo ka shaqeeya diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka.

Soomaaliya ayaa sanadkan 2020/2021 waxaa ay galeysaa doorashooyin kale maaddaama ay xilligaas ku egtahay waqtiga dowladda hadda jirta.

Waxaa taagan cabsi xoog leh oo la xiriirta in doorashadaas dib u dhacdo sababo kala duwan haku timaadee waxaana walaaca ugu badan muujinaya mucaaridka, ururrada Bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka.

Laakiin Dowladda Federaalka ah iyo Guddiga doorashada madaxabanaan ee dalka ayaa sheegaya in doorashada aysan waqtigeeda dib uga dhaceyn.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip