SMC OO BOOQATAY BAKHAARWAYN OO CUNOOYINKA SOOMAALIDA JABAN LAGA FURAY DALKA JARMALKA LAAKIIN!!

0
21 July, 2019 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SMC OO BOOQATAY BAKHAARWAYN OO CUNOOYINKA SOOMAALIDA JABAN LAGA FURAY DALKA JARMALKA LAAKIIN!!

    Socdaallada masaafooyinka fogfog iyo dhowdhowba ay samayso warbaahinta ku bohowday Koonfurta afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation, waxaa ay markii ugu dambaysay jaantu dhigtay magaalada Augsburg ee dalka Jarmalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Socdaallada masaafooyinka fogfog iyo dhowdhowba ay samayso warbaahinta ku bohowday Koonfurta afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation, waxaa ay markii ugu dambaysay jaantu dhigtay magaalada Augsburg ee dalka Jarmalka.

Southern Media kolkii ay gaadhay magaaladaasi wayn, waxaa ay ku soo aragtay bakhaar aad u wayn indhaheedu soo jiitay, kaaso ay Soomaali leedahay laguna iibiyo cunooyinka Soomaalidu ugu jeceshahay tayada badan leh uguna qiimiga jaban.
Baakharkan baaxadda leh nuuciisa aanaan horay looga furin waddanka Jarmalka iyo hareerihiisa ee dhowaantan albaabada loogu ballaqay magaalada Augsburg, ayaa lagu magaacaabaa TAWAKAL FOODS INTERNATIONAL, waxaana laga helayaa cunooyinka marka laga yimaado marshaynta guryaha sida:- roogagga iyo bustooyinka casriga oo wada jumlad ah.
Bakhaarkan shagligiisa sida hubantida ah oo ay Soomaalida daggani waddamada Jarmalka, Awsteriya iyo Iswiisarlan baahi badan ay u qabeen inay ka adeegtaan, ayaa waxaa magaalada Augsburg ka furtay mid ka mid ah shirkadaha Soomaaliyeed ee ugu waawayn dunida dhanka raashiinka, taasoo aad muuddo inay aad ugu daneynayso bulshadeeda Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool cunooyinkoodi dalka qaali lagaga siinayo goortay joogaan debedda, halka shirikadda Tawakasha haatan bakhaarkan baaxadda leh uga fudhay Magaalada Augsburg Jarmalka qiima jabano macaquul ah iyo cunadey u baahnaayeen dadkeedu ay u soo dhowaysay meeshay ka heli lahaayeen lana dabataagan tahay.
Wareysi maqal iyo muuqaal ah oo Southern Media ay la yeelatay hawlwadeennada bakhaarka cusub Shirikadda Tawakal Foods International ee Augsburg Germany Mudane Xuseen Xandulle iyo Mudane Cali Tawakal, waxaa ay carrabka ku adkeeyeen in shirkaddoodu ay xitaa macaamiishoodu (Delivary Service) adeeg-gaarsiin ay u sameyneyso oo dukaanleyda alaabta fadhigoodu ugu keenayaan, taaso mar kale faa'ida badan u leh dadka ku nool Jarmalka iyo waddamada ku xeeran oo inta bada miciishadda qaali igu timaad.
Labadaraale, ama intaa waxaa sii dheer, in shirkadda Tawakal Foods International xarunteeda cusub la yaabka leh ee Magaalada Augsburg dalka Jarmalka ay leedahay (Parkings) baarkino qaadaya inka badan 40 gawaari oo ay ugu talagashay macaamiisheeda sharafta badan leh inay gaadiidkoodu bilaash ay ku ku dhigtaan intay doonaan ooy sida nafiska dagganida ku jirto ay u adeeganayaan.
Geesta kalana, waxaa xusid mudan, kolka cunooyinka tayada leh iyo alaabaha hrerka sare guryuhu u baahan yihiin qiimaha jaban lagu soo daabbulan karo laga yimaado, Tawakal Foods International, gaar ahaan xarunteedan cusub ku taal Augsburg in ay kuugu diyaarsan yihiin hawlwadeeno shaqsiyadoodu aad u furfuran kana muuqanaysa shacaacirta Islaamka, misna la sadaqi karayo waxa ay kuu sheegayaan inay kuu hayaan.
Ugudambayntii Southern Media Co-Operation oo mar waliba u taagan horumarka bulshadeeda, waxaa ay idiin soo bandhigi doontaa muuqaalka bakhaarkan cusub ee shirkadda shirkadaha Soomaaliyeed cunooyinka u horaysa qaaradda Yurub bakhaarkeeda cajiibka ah ee dhowaan laga furay magaalada Augsburg dalwaynaha Jarmalka.


Fadlan haddii aad dooneysid cunooyon iyo alaabo tayo leh oo qiimi ku raalligelin kara leh, kala xiriir adress No:
STÀTZLINGERSTRASSE 80
86165 AUGSBURG GERMANY 
TEL: 0049 (0821-650-588-26

Mukay geedahaa laga yaqaan wixii miirqab iyo miisaan meel loodhigana muran maba ka yimaado waana muuqaalka Tawakal amar Alle laakiin!!

By: Adam Increase



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip