Puntland oo xabsiga dhigtay Guddoomiyaha Guddiga dhismaha Waddada Boosaaso

0
22 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo xabsiga dhigtay Guddoomiyaha Guddiga dhismaha Waddada Boosaaso

    Hay'adaha amaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa xalay xabsiga dhigay Guddoomiyaha Guddiga dhismaha Waddada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adaha amaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa xalay xabsiga dhigay Guddoomiyaha Guddiga dhismaha Waddada Boosaaso.
Sheekh Maxamed Macallin Axmed ayaa ciidamadu xireen waxaana eedda ugu weyn ee xariggiisa tahay in uu diiday dib u celinta lacagta dowladda Federaalka ah ku bixisay dhismaha Waddada Boosaaso.

Puntland ayaa xoray u xirtay saddex xubnood oo ka mid ah Guddiga dhismaha Waddada Boosaaso kuwaas oo ay Khamiistii xabsiga dhigtay.

Guddiga nabadgelyada Boosaaso oo xalay shir ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegeen in aan la qaban karin shir aan fasax looga heysan dowlad Goboleedka Puntland.


Dowladda Federaalka ah ayaa Puntland ugu baaqday in la sii daayo xubnaha loo xiray arrintaas islamarkaana aan la siyaasadeyn mashaariicda dib u dhiska dalka.

Laakiin Puntland ayaa ka dhega fureysatay baaqa dowladda Federaalka ah,waxaana xeer ilaaliyaha Puntland uu sheegay in siideynta xubnaha xiran ay ka go’do kaliya hay’adaha garsoorka Puntland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip