Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
22 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho

    Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ahaa oo Maanta ka dhacay wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ee ka leexata Km4 gaar ahaan afaafka hore ee Hotel Afrik.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ahaa oo Maanta ka dhacay wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ee ka leexata Km4 gaar ahaan afaafka hore ee Hotel Afrik.
Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa Goobta  waxaa ay aheyd mid mashquul badan,waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu yaalla goob Bakin ah oo ka mid ah hotelka,waxaana sidoo kale Goobta ka agdhow Bar-koontorool oo ciidamada Dowladda ay ku baaraan Gaadiidka aada dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho.

Waxaa sidoo kale halka uu qaraxa ka dhacay ku yaalla kaalin shidaan oo la sheegay in uu soo gaaray burbur xoogan,waxaana dadka ku dhaawacmay qaraxaasi goobta ka qaaday gawaarida gurmadka deg dega, iyaga oo geeyay Isbitaalada kala duwan ee Magaalada Muqdisho li loogu daweeyo.


Hay’adaha Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay qaraxaas,waxaana xusid mudan in qarixii labaad ee bil gudaheed ah uu ka dhacay agagaarka Koontoroolka laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip