Madaxweyne Farmaajo oo tababar u soo xiray saraakiil uu tababaray Turkiga

0
24 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 95
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo tababar u soo xiray saraakiil uu tababaray Turkiga

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeen ka mid noqonaya Milatariga Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeen ka mid noqonaya Milatariga Soomaaliya.
Saraakiisha iyo saraakiil xigeennada tababarka loo soo xiray ayaa waxaa ay tababarka ku qaateen xerada TurkSOm ee ku taalla Magaalada Muqdisho, halkaas oo Dowladda Turkiga ay ku tababarto Ciidanka Soomaaliya.
qeyb ka mid ah Ciidanka tababarka loo soo xiray maanta.

Waxaa kale oo munaasibadda ka dhacday TurkSom ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha aqalka sare, saraakiil ka kala socotay qeybaha kala duwan ee ciidanka Soomaaliya.


Waxa akale oo ka Saraakiisha Turkiga ee tababarka bixiyay, danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyay Muqdisho haddana ah ergeyga Turkiga u qaabilsan wadahadallada dowladda dhexe iyo Maamulka Somaliland.
Saraakiisha Soomaalida iyo Turkiga ee ka qeybgelayay munaasibadda qalin jebinta.

Dhinaca kale Isla maanta ayaa waxaa lagu wadaa in saraakiil kale oo ka mid noqonaya Ciidanka xoogga dalka Tababar loogu qaado dalka Turkiga si halkaas ay ugu soo tababartaan.
Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Saraakiil Ciidan.

Dowladda Turkiga ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka gacansiineysa dhismaha Ciidanka xoogga dalka waxaana Turkiga tababar ku qaadanaya Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya sida kuwa gaarka ah, kuwa cirka iyo qeybaha kale ee Ciidanka xoogga dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip