Al shabaab oo weerar ku qaaday xero ciidanka Koofur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Ceel-Jaale.

0
24 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al shabaab oo weerar ku qaaday xero ciidanka Koofur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Ceel-Jaale.

    Wararka ka imaanaya Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in duleedka Magaaladaasi uu dagaal ku dhexmaray Xubno ka tirsan Al shabaab iyo Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in duleedka Magaaladaasi uu dagaal ku dhexmaray Xubno ka tirsan Al shabaab iyo Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Dagaalamayaal katirsan Al-shabaab ay Weerar xooggan ay ku qadeen Fariisimo Ciidamo katirsan KG ay ku lee yihiin Deegaan Ceel-jaale ee ku yaalla Duleedka Marka.

Dagaalka oo laisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa socday muddo 30  daqiiqo ah,sida qaar ka mid ah Dadka Deegaanka ay xaqiijiyeen Idaacadda Mustaqbal ee Magaaladda Muqdisho.


ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkasi, ka dhashay walina Saraakiisha Ciidamada Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koofur Galbeed Soomaaliya kama aysan hadlin Dagaalkaasi.

Al shabaab oo inta badan gaysta dagaaladda lagu qaado Xeryaha ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM dhankooda kuma hadlin dagaalka iyo Khasaaro ka soo gaaray dhankooda.

Dadka deegaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in Xeradda Ciidanka Koofur Galbeed Soomaaliya ee Al shabaab Saaka weerareen lagu tababaraayay Ciidamo ka tirsan kuwa Koofur Galbeed oo dhawaan laga diiwaan galiyay deeganada Maamulkaasi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip