Duqa Caasimada oo ku dhaawacay Ismiidamin ka dhacday xarunta maamulka gobolka Banaadir.

0
24 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Caasimada oo ku dhaawacay Ismiidamin ka dhacday xarunta maamulka gobolka Banaadir.

    Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in qarax Ismiidamain ah lala eegtay xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ah meel amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in qarax Ismiidamain ah lala eegtay xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ah meel amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo.
Warar la helayo waxa ay sheegayaan in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu gudaha u galay dhismaha xarunta, kaasoo markii danbena is qarxiyay, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah shaqaalaha Aqalka dowladda Hoose, ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxa, kaasoo gaaray qaar kamid ah shaqaalaha xarunta iyo mas’uuliyiin.


Wararka la helayo waxa ay sheegayaan inuu dadka dhaawcamay ku jiro Gudoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, kaasoo u muuqday inuu ahaa bartilmaameedka weerarka.

Saraakiil ka tirsan Ibsitaalka Digfeer ayaa Mustaqbal u sheegay in Isbitaalkooda la geeyay dhaawaca Duqa Caasimada iyo xubno kale, kuwaasoo xaaaldooda lala tacaalayo.

Qaraxan ayaa imanaya saacado yar uun kadib markii Wakiilka Qaramada Midoobe u qabailsan Soomaaliya James Swan uu kula kulmay Gudoomiye Yariisoow Aqalka dowladda Hoose.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip