QM oo cambaareysay qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir

0
25 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo cambaareysay qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir

    Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa si weyn u cambaaeeyay ciddii ka dambeysay qaraxii ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa si weyn u cambaaeeyay ciddii ka dambeysay qaraxii ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska UNSOM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in ay Qaramada midoobay aad ugu xun tahay wixii halkaasi ka dhacay, Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysana ay Garab taagan tahay Dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

"Waxaan cambaareynayaa weerarka waxashnimada ah ee ay soo maleegeen kuwo aan qaddarineyn nolosha Bini’aadmiga ee bartilmaameedsanaya Dad ka shaqeynaya wanaagga nolosha Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska James Swan.


James Swan, oo sidoo kale ah Madaxa howlgalka Qaramada midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa tacsi u diray Qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha, wuxuuna kuwa dhaawaca qaba u  rajeeyay caafimaad deg-deg ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip