Taliska Booliiska Koofur Galbeed oo Amaro kasoo saaray Ergada ay u yeereen Al-Shabaab.

0
27 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Booliiska Koofur Galbeed oo Amaro kasoo saaray Ergada ay u yeereen Al-Shabaab.

    Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Koofur Galbeed Korneel Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa ka hadlay amarkii Al-Shabaab ee ku socday Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Koofur Galbeed Korneel Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa ka hadlay amarkii Al-Shabaab ee ku socday Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Korneel Mahad oo muddooyinkii dambe ku maqnaa Turkiga ayaa sheegay in ay sugayaan ammaanka Ergada Koofur galbeed hadii ay la shaqeeyaan ciidamada Maamulka.

Waxa uu ugu baaqay in ay niyadda dajiyaan, isla markaana ay hub qaataan lana dagaalamaan Al-Shabaab.

Ergada qaar ayuu sheegay in ay diideen fulinta amarkii Al-Shabaab ee ahaa in 45-cisho ay ugu tagaan oo ku siman 1-da bisha September.


Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta Ergada oo sabab u noqday dhismaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip