Ciidamo ay leedahey Qaramada Midoobay oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

0
27 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo ay leedahey Qaramada Midoobay oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

    Waxaa maanta oo jimce ah soo gaaray Magalada Muqdisho Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay,kuwas oo u dhashay dalka Uganda,waxaana Munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta oo jimce ah soo gaaray Magalada Muqdisho Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay,kuwas oo u dhashay dalka Uganda,waxaana Munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Munaasada lagu soo dhaweynaayay Ciidamadaan waxaa ka qeyb galay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan,taliyaha Ciidamada lugta Uganda ee Sareeye Guuto General Peter Elwelu iyo Madax kale iyo Masuuliyiin kale.

Ciidamadan u dhashay dalka Uganda ayaa ka kooban 625 isugu jira Saraakiil & Ciidamo oo 89 ka mid ah ay haween yihiin,waxaana ay  ilaalin doonaan Xarumaha UN-ka Saqaalaha iyo saraakiishooda.


"Waxaan u mahadcelinayaa hoggaanka ciidamada ee hoos yimaada Taliyaha Ciidamada Difaaca  gaar ahaan Taliyaha Ciidamada Dhulka.

"Waxaan hogaamin doonaa xirfad ahaan iyo si hufan ayuu yiri  Taliye  kuxigeenka Ciidanka dhulka dalka Uganda Kornayl Bainomugishaā€¯.

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan ayaa Ciidamadaan ku soo dhaweeyay Muqdisho waxa uuna sheegay in ay qayb ka noqo doonaan ilaalinta Xarumaha UN-ka ee Soomaaliya.

Ciidamadaan ka socda Qaramada Midoobay ee soo gaaray maanta Magalada Muqdisho ayaa waxaa ay bedeleen Ciidamo kale oo waqtigooda dhamaday,kuwaas oo dib loogu celiyay dalkooda.

Ciidamadaan ayaa yimid Soomaaliya Maalin uun ka dib markii Al-Shabaab ay sheegeen in qarixii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ay la damacsanaayeen Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan uuna ka bad baaday.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip