Ahlu Sunna oo Dhuusamareeb saaka ka soo celisay Diyaarad Ciidan wadday

0
28 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlu Sunna oo Dhuusamareeb saaka ka soo celisay Diyaarad Ciidan wadday

    Maamulka Ahlu Sunna ayaa saaka mar kale soo celiyay Diyaarad Ciidan wadday oo u socotay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Ahlu Sunna ayaa saaka mar kale soo celiyay Diyaarad Ciidan wadday oo u socotay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.
BANA  ayaa heshay in Garoonka diyaaradaha ee  Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb uu saaka Sheekh Shaakir la tagay Gaadiidka dagaalka oo ay ku xiranyihiin lidka diyaaradaha.

Diyaaradda oo hawada Dhuusamareeb ayaa lagu wargeliyay in aysan soo degi Karin haddii ay isku daydana la toogan doono.

Diyaaradda ayaa dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho waxaana hadda ay Ciidamadaas ku suganyihiin Saldhigyadii saaka laga qaaday.


Tirada Ciidamada ay diyaaraddaas wadday ayaa lagu sheegay boqol Askari oo ka mid ahaa Ciidamada uu dalbaday Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sidan oo kale ayey shalay diyaarad Ciidan ka socda dowladda Federaalka ah wadda dib uga soo laabatay Dhuusamareeb kaddib markii Maamulka Ahlu Sunna Ciidan ka tirsan ay qabsadeen Garoonka diyaaradaha islamarkaana diideen in ciidamadaas laga dejiyo magaalada.

Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ayaa billowgii bishan ku heshiiyay in amaanka Magaalada Dhuusamareeb lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya,hayeeshee lana ogaan ilaa hadda halka la iska qabtay islamarkaana Ahlu sunna u diidday Ciidanka dowladda Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip