Museveni oo tababar u soo xiray Saraakiil Soomaali ah

0
28 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Museveni oo tababar u soo xiray Saraakiil Soomaali ah

    Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa waxaa uu tababar u soo xiray Ciidan u badan saraakiil oo isugi jira Soomaali iyo Ugandheys.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa waxaa uu tababar u soo xiray Ciidan u badan saraakiil oo isugi jira Soomaali iyo Ugandheys.


Ciidanka loo qaadanayay saraakiisha oo gaarayay 223  xubnood ayaa waxaa ka mid ah 20 xubnood oo Soomaali ah.

Museveni oo munaasibadda qalanjebinta kula hadlayay askarta ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in ay ka shaqeeyaan amaanka dalalkooda.


Saraakiisha ayaa tababarka qaadanayay muddo 52 todobaad ah,waxaana loo diyaariyay qeybta Soomaalida ay sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen hanaanka kala guurka ee dowladda Soomaaliya ay amniga ugala wareegeyso Howlgalka AMISOM marka la gaaro sanadka 2020ka.

Museveni ayaa si gaar ah ula dardaarmay Ciidamada Uganda ee tababarka ka qalin jebisay,waxaana uu kula dardaarmay in aysan dhagar kula shaqeyn dalkooda isaga oo sheegay xusay in fursad muhiim ah ay tahay in askarta laga mid noqdo.

Dhinaca kale Museveni ayaa waxaa uu si gaar ah ula dar daarmay waaliddiinta askartaas oo uu sheegay in aysan lacag weydiinin askarta cusub.

Isha:New Vision.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip