Madaxweynaha Soomaaliland oo cafis u fidiyay Maxaabiis u xirneyd Burcad Baddeednimo

0
29 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliland oo cafis u fidiyay Maxaabiis u xirneyd Burcad Baddeednimo

    Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi Waxa uu Wareegto Madaxweyne oo Summaddeedu Tahay /JSL/XM/WM/222-350/072019 uu Cafis u fidiyey Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xiraa falalka Budhcad-badeednimada .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi Waxa uu Wareegto Madaxweyne oo Summaddeedu Tahay /JSL/XM/WM/222-350/072019 uu Cafis u fidiyey Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xiraa falalka Budhcad-badeednimada .
Waxaanay u Dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012, Qodobkiisa 16aad iyo Qodobkiisa 20aad xubintiisa 2aad; oo dhigaya in Madaxweynuhu cafis u fidin karo maxaabiista laga soo wareejiyey Dal kale, si la mid ah awoodaha cafiska ee ku tilmaaman Qodobka 90aad, faqradiisa 5aad ee Dastuurka Somaliland;


Markaan Arkay: Maxaabiista u xihan falalka burcad-badeednimo ee lagu soo xukumay dalka Seychelles ay Somaliland u aqbashay xabsi ku hayntoodu ay ahayd in ay ka qayb-qaadato dadaalladii Caalamiga ahaa ee la dagaalanka burcad-badeedda, oo halis wayn ku hayay Bad-weynta Hindiya iyo Badda Cas;

Markaan Arkay Ujeeddada heshiiska Somaliland la gashay Dalka Seychelles ee soo wareejinta maxaabiista u dhalatay dalka Soomaaliya ay ku salaysnayd arrimo bani’aadannimo oo ay ka mid tahay in maxaabiiistu helaan dal ay bii’addiisa diin ahaan, dhaqan ahaan, iyo luuqad ahaanba fahmi karaan, loona soo dhaweeyo ehelladooda, maaddaama xaaladaha amni ee ka jiray dalkoodu aanay suurtagalinayn in loo wareejiyo xabsiyadooda;

Markaan Tixgaliyey: Codsiga Madax-dhaqameedka, waayeelka iyo ehellada maxaabiista burcad-badeednimada u xiran ee laga soo wareejiyey Dalka Seychelles;

Markaan Helay: Qoraalka soo-jeedinta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/168/2019, kuna taariikhaysan 24/07/2019;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis gaara u fidiyo Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xran falalka Burcad-badeednimada, kuwaas oo kala ah:

 

1) Maxamed Axmed Ciise

2) Cadow Cali Cismaan

3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi

4) Axmed Cali Cismaan

5) Axmed Cali Siciid

6) Maxamed Axmed Cali

7) Bashiir Khaliif Xaashi

8) Cabdirisaaq Maxamed Cali

9) Cabdifataax Axmed Xasan

10) Nuur Maxamed Aadan

11) Jamaal Maxamed Cali

12) Cali Maxamed Cali

13) Cabdillaahi Maxamed Xasan

14) Cabdi Tahliil Xasan

15) Daahir Cabdillaahi Warsame

16) Cabdiqaadir Cabdi Cali

17) Cabdinuur Xaaji Aadan

18) Maxamed Maxamuud Xasan

19) Abuukar Axmed Ciise


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip