DEGMADA BUURHAKABA NAARA DHIIDII WIILKA GUDOOMYAHA DEGMADA OO GABADH KU DHEX JUFSADAY LAAKIIN!!

0
29 July, 2019 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEGMADA BUURHAKABA NAARA DHIIDII WIILKA GUDOOMYAHA DEGMADA OO GABADH KU DHEX JUFSADAY LAAKIIN!!

    Waa qormo aynu ugu magacdarnay Degmada Buurhakaba Naara Dhiidii, kadib kolkaynu aragnay aafooyiinka iyo rafaadka ka taagtaagan magaaladaasi qaddiimiga ah oo lagu tiriyo inay ka mid tahay buldaanta ugu facawayn guud ahaan geeska Afrika, gaar ahaan Jam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa qormo aynu ugu magacdarnay Degmada Buurhakaba Naara Dhiidii, kadib kolkaynu aragnay aafooyiinka iyo rafaadka ka taagtaagan magaaladaasi qaddiimiga ah oo lagu tiriyo inay ka mid tahay buldaanta ugu facawayn guud ahaan geeska Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland.

Juqaraafi ahaan degmada ballaayadu la geeyay ooy dhibaatadu la bannaaxinnayso istiraatiijiga ah, ayaa waxaa mara jidad halbowllayaal u ah guud ahaan dhulka webiyada, qaasatan gobolka Baay sida:- waddadaa dheer ee Muqdisha ka soo baxda ee aadda magaalada Baydhabo ugana sii gudubta ilaa iyo xuduudda Itoobiya iyo jidka isna dhulka qudaarta Dhoobeey ka soo baxa oo Buula-Fullaay ka soo dhex soofa ku lamaananyihiin kuwo kalo faraaryooba jaanta gelsha dhankaa bariguna ilaa iyo Buur-Haybe iyo Buur-Hondoolliyow, galbeedkuna Dhuur iyo Qalin Dooy caradii cosobka ahayd ooy daaqsintu xooluhu ay isba ku dararaan geeluna u jeelaanyahay biyaha iyo baadka u leh nooluhu.
Degmadan sida taariikhda guunka ah ay qorto qalin-raacsigeedu oona xarun u ahaan jirtay boqor ka mid ah boqortooyooyinkii bariga Afrika xoogga badnayd Geeddi-Abaabow, ayaa waxaa ay leedahay tuulooyinka ugu badan degmooyinka dalka, kuwaaso tiro cagacagaynaya ku dhowaad 500 oo tuulo, marka laga yimaado maalin-guurada iyo maalin-kumoodyada makacdooyinka tirabeelka, iyado qarnigii 19-naadna gumaysigii caddaanka dabadii ay ahayd goobta dubataatayaasha ugu badan ay ka soo geli jireen degmo ahaan, marka loo barbardhigo degmooyinka dhiggeeda, taaso caddaynaysa siyaasad ahaan in hoggaanku ay u haysay iriddaa Koonfur wixii lagu gooyo.
Dagaalladii sokeeye iyo qalabaagaddii fitmooyinkii dhacay galawgu yeeray firadu duushayo dalku lagu kala fiigay jilbaha la isu aasayo feeraha la jabshay, degmada halwowllaha u ah Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland iyo Soomaaliyada inteeda kale, waxaa soo maray siyaasado kala duduwan sarasabaynayay qaarba si u seemalay siday rabtiyo siday diiddantahay lagu seeteeyo iyadu.
Kolkii ugu dambaysay degmada Buurhakaba waxay heshay sanado gaaban kahor gudoomiye  da'yaro caabboon aqoonyahano dhiifoon dadku ay doonayeen aadna ula dhacsanaayeen hab dhaqadhaqanka iyo maamulkiisa daacadnimadu ku dheehantahay diyaarna la ahaa wax kasto kartidiisu tahay lagu horumarin karayo degmadiisi iyo dadkiisi iyo diintiisuba masuulka lagu magacaabo Mudane Maxamed Ibraahim Nuur (One Time) kaaso sida xaqiiqda inkirmaadda ka qarawayn waxqabadkiisu markii ugu horaysay keenay hindise horumar leh ee ah inuu gacantiisu ku bilaabay in gegid, ama garoon caalami ah uu ka dhisayo degmadaasi oo ay dayuuradaha caalamigi ku soo dagan karayaan.
Horumaradiisi loo riyaaqay goortii ay bulshadu indhaha ku kala qaadday wax la yiri dunidu xaasidkaa badane, waxaa lagu qataaray Tiimka Reedow Reedow ee uu haggaamiyo Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Laftagareen (C/Casiis Karasaay) oo hooyo iyo aabbe u ah luggooyada iyo buyuqbaayuqa guud ahaan ummadda u nasab sheegata 6-da gobol Koonfurta Soomaaliya oo dabadhoon u ah cadaawaha gudaha ixtilaalsan dhulka sii farabaxsanaya sanadba sanadka ka sii dambaysa.
Marwo Foosiyo Maxamed Sheekh (Foosiya Istaag) oo ah wasiirad ka tirsan dowlladda Villa Qashinta Farmaajaha xanuunka Autism-ka qaba madaxdu ka yahay xisbiga Nabar iyo Naxdin, ama Murugo iyo Macaluul Iyo xildhibaan lagu magacaabo Dr Go oo isna ka mid ah Xildhibaanada federeelka Soomaaliya dhamaantoodna ka wada tirsan geesta kale Tiimka Reedow Reedow, ayaa intay kabraale Karasaay la kaashadeen degmada Buurhakaba nin ay ayagu wataan dadku aan ogolayn loogu magacaabay guddoomiyenimo degmada sidii ayba horaan ugu sameeyeen degmada baaxadda leh ee Bardaale gobolka Baay oo Caracase nin lagu sheegay luggooyo ahaan loo geeyay iyana halkaasi.
Gudoonka cusub maqaarsaarka Buurhakaba Mudane Cabdiyoow Maadoow (Maadoow Jiis) intaan lagu tannaagoon kahor, waxaa gudoomiye One Time oo xilka haya magaalada lagu furay fadqalado iyo fowdooyin siyaasadaysan lagu waxyeelaynayo dadka deegaanka, kuwaaso dhiigba uu ku daatay, waxaana gudoonkii markaasi talada hayay oo aad u aragti dheeraa uu ka digay in degmadu ay khatar badan ee aan la qayaasi karin ku soo foodleedahay tahayna in si wadajir ah looga hortago halisaha soo burqanaya, iyadoona gudoomiye Maxamed Ibraahin Nuur (One Time) uu jagadu si sharaf leh dhiig aanu ku daadan iyo dhirif li' uga dagay, taaso aynu oran karayno sidaa uu Mudane One Time uu u sameeyay ay naadir iyo dhif tahay masuuliyin samaysa gudaha qaaradda Afriko idil Soomaaliya warkeeduba daayo.
Mr One Time gudoonkii geesiga halyeyga aqoonyahanka ahaa kolkii uu kursigu ka dagay uuna yimid midka maqaarsaarka Mr Maadow Jiis muxuu noqday xaalku oo siday isu baddashay degmadii iyo nawaaxigeeda?
Magaaladu waxay noqotay mid qalalaasa miiran ah, waxaa billowday wixii sagaashameeyadii laga soo gudbay:-sida dilka, dhaca, boobka, kufsiga iyo in la isu ugaarsado sida ugaadhii ooy furin-dagaal ay noqoto degmada iyo inta ku xeeranba, islamarkaana dab la kala qaadan waayo daris xumaado xasarad joogta.
Hadal raagay baa yiri "xaafad waxa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip