Dowladda oo War kasoo saartay xaalada Cafimaad ee Guddoomiye Yariisow

0
31 July, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo War kasoo saartay xaalada Cafimaad ee Guddoomiye Yariisow

    Waxaa soo hagaageysa xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha gobalka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) oo lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, sida ay Warbaahinta Dowladda u sheegtay wasiir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo hagaageysa xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha gobalka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) oo lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, sida ay Warbaahinta Dowladda u sheegtay wasiirka Wasaardda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Soomaaliya oo haatan ku sugan dalka Qatar
Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Xaaladda Caafimaad dad uu ku jiro Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Eng Yariisow ka soo roonaaneyso sidii hore oo ah markii laga soo qaadayay magaalada Muqdisho, waxayna dhaqaatiirta ku ammaantay daryeelka joogtada ah ay siinayaan dadka dhaawaca ah oo uu guddoomiyaha ku jiro.

Sidoo kale Danjiraya Dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Qadar ayaa asana dhankiisa sheegay in dhaawacyadaan lagu bixinayo dadaalkii ugu badnaa, haatana la dareemayo isbadal wayn.


11 Ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hatan lagu daweynayaa Isbitaal ku yaalla Magalada Doxa ee dalka Qatar,kuwaas oo ku dhaawacmay qarixii 24-kii Bishaan ka dhex dhacay Xarunta Maamulka gobolka Banaadir.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip