QM oo sheegtay in Qaxootiga Dhadhaab diideen ku laabashada Somaliya

0
01 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo sheegtay in Qaxootiga Dhadhaab diideen ku laabashada Somaliya

    Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in inta badan Soomaalida ku nool Dhadhaab iyo Kaakuma ay sanadihii la soo dhaafay diideen in ay dib ugu laabtaan dalkooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in inta badan Soomaalida ku nool Dhadhaab iyo Kaakuma ay sanadihii la soo dhaafay diideen in ay dib ugu laabtaan dalkooda.
Warbixin ay soo saartay hay’adda waxaa ay ku sheegtay in ay aad hoos ugu dhacday dadka sida iskood ah isu diiwaangelinayay si dib loogu celiyo Soomaaliya.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa waxaa ay sheegtay in tan iyo 2014kii Kumanaan Soomaali ah si iskood  ah dib ugu laabteen Soomaaliya.

UNHCR waxaa ay sheegtay in wixii ka horreeyay Bishii July ay 84,230 qof ka qeyb qaateen isdiiwaangelinta iskeed ah ee dalkooda dib loogu celinayo.


Laakiin Hay’adda ayaa sheegtay in dad gaaraya 1400 qof oo kaliya ay dib ugu laabteen Soomaaliya kuwaas oo ka kala baxay Dhadhaab iyo Kaakuma.

Ibrahim Ahmed, oo ka mid ah Dadka Xagar dheera ayaa sheegay in haddii xeryaha la xiro Soomaaliyana aysan nabad ka jirin ay dhibaato kale ka dhalneyso iyaguna aysan hadda ku laaban karin Soomaaliya.

Dadka Dhadhaab iyo kaakuma ayaa sheegaya in aysan isku halleyn karin Soomaaliya iyaga oo 30 Sano degganaa Dhadhaab iyo Kaakuma sababihii ay uga carareenna aysan wali ka dhamaan Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip