Dowladda Soomaaliya oo la wareejiyay Amaanka Magaaladda Dhuusamareeb.

0
02 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo la wareejiyay Amaanka Magaaladda Dhuusamareeb.

    Amaanka Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta lagu wareejiyay Ciidanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amaanka Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta lagu wareejiyay Ciidanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya.
Shir Jaraa’id oo goor dhow ay siwada jir ah ugu qabteen Magaaladda Dhuusamareeb wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Isloow, Wasiirka arimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ,Madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Gudomiyaha Gudiga Dib u heshiinta Beelaha Galmudug Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow ayay ku sheegeen in amaanka Magaaladda Dhuusamareeb lagu wareejiyay Dowladda Faderaalka Soomaaaliya.


Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in lagu guulaystay in la isku daro Ciidamadda Booliska, Nabad Sugida iyo Milatariga ayna si wada jir ah u xaqiijinayaan Amaanka Magaaladda Dhuusamareeb.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaliya oo isna goobta ka hadlay ayaa Ku dhawaaqay In Dowladda Soomaliya Masuul Ka Tahay Amaanka Magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Shaakir Madaxa Xukumada Galmudug ayaa sheegay in ay ugu Mahad celinayaan Dowladda Faderaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayso dismaha Maamulka Galmudug.

La Soco wixi ka soo kordha.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip