Madaxweynaha Jabuuti oo ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir.

0
02 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jabuuti oo ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii u timid guddoomiyihii gobolka Banaadir, C/Raxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii u timid guddoomiyihii gobolka Banaadir, C/Raxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow.
Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska maxaweyne Geelle.

Madaxweynah Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ay mar walba Jabuuti Garab taagantahey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.


"Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka .

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka banaadir.

Isha: Sonna.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip