Wararkii ugu dambeeyay Sarkaal lagu dilay Muqdisho

0
05 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Sarkaal lagu dilay Muqdisho

    Kooxo hubeysan ayaa saakay Waaberigii hore waxaa ay Suuqa siinaay ee degmada Wartanabada Gobolkan Banaadir ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee ah kuwa qaada Cansuurta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan ayaa saakay Waaberigii hore waxaa ay Suuqa siinaay ee degmada Wartanabada Gobolkan Banaadir ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee ah kuwa qaada Cansuurta.
Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Dawiil Cabdi,waxaana uu ahaa Sarkaalkii qeybta Canshuuraha u qaabilsanaa Dowladda Hoose Suuqa Siinaay ee degmada Wartanabada,sidoo kalena uu ka mid ahaa Abwaaniinta Kooxda Onkod.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ragga hubeysan ay dhowr xabadood ku dhufteen Sarkaalka,sidoo kale wararka qaar ay sheegayaan in ilaalada sarkaalka inay dhaawaceen mid ka mid ah raggii dilka geystay, isla markaana ay gacanta ku dhigeen.


Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoyska Siinaay ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay kuwaas oo halkaasi ka sameeyay howlgal aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Hay’adaha Amniga Soomaaliya weli kama hadlin dilka loo geystay Sarkaalka,waxaana falalka noocaas oo kale ah inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip