SMC OO MID KA MID AH AQIINYAHANADA UGU CILMIGA BADAN JAMHUURIYADDA BARAKAYSAN EE MAAYLAND LA KULANTAY LAAKIIN!!

0
06 August, 2019 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SMC OO MID KA MID AH AQIINYAHANADA UGU CILMIGA BADAN JAMHUURIYADDA BARAKAYSAN EE MAAYLAND LA KULANTAY LAAKIIN!!

    Socdaallada wajiyada badan warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation ooy ku maraysay hawlaha shaqo qaaradda Yurub ugu dambayntii lugta dhigtay dalka Nederland safaradeeda ugu waawayna ay ugu horee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Socdaallada wajiyada badan warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation ooy ku maraysay hawlaha shaqo qaaradda Yurub ugu dambayntii lugta dhigtay dalka Nederland safaradeeda ugu waawayna ay ugu horeeyeen booqashada halyeeyad Drs Kaamila Kulmiso madaxa Ururka Samafalka Horumarinta Waxbarashada Hooyada Iyo Dhallaanka CAMEDO ee geeska Afrika iyo inay dacwad adag ka gudbiso madaxwaynaha Villa Somalia Farmaajo aawada ku tagrifalka awoodda qaranka Soomaaliya calanka buluugga xasuuqii u gaystay magaalada Baydhabo iyo shirqoolkii uu ku soo afduubtay madaxwaynaha Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland Al-Sayid Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa la kulantay mid ka mid ah aqoonyahannada ugu cilmiga badan geeska qaaradda Afrika ee qarsoonaa ku nool dunidan guudkeeda.

Mudane Maxamed Maxamuud Cumar oo ah aqoonyahan u dhashay Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland kuna nool waddanka Nederland ayaa waxaa uu ku takhasusay cilmiga gaadiidka cirka isagoona haatan ka hawlgala shirkadda dayuuradaha caalamka ee baaxadda leh BEONG.
Mr MAxamed ayaa intuu waqtiga la qaadanayay warbaahinta wajigeesa laga dheehan karayay farxad aad u ballaaran, waxaana aqoonyahanka da'da yar muddo qarsoonaa uu dalkiisu u hayo aqoon iyo cilmi miskex mashaariic waawayn horumar iyo nololba u leh Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland ee u dhashay, balse dad isku toosan daacad u ah dalkooda gaar ahaan dhallinyarada wax fahantay uun la sugayo mashaariicdiisa waayarada uu soo xirxiray faa'iidooyinka u leh dalka iyo dadka iyo deegaanka iyo diinta, sida laga fahmayay hadalladiisa.
Guntii iyo gunaanudkii kulankan taariikhiga ah SMC ay aqoonyahankan qiimiga iyo qaayaha leh ruux lagu faani karayo Mudane Maxaned Cumar, waxaa la arkayay gudoonka tiimka Jugta culus Mudane C/Raxiin Xaaji Cali Maaxi, wakiilka tiimka Jugta culus dalka Nederland Mudane Axmed Maxamed (Axmed Olol), Wariye sare Maxamed Ibraahin Waddani iyo wariyaha jugta culus suxufiga lugeeya Ustad Adam Increase oo ay farxad walaaltinimo isugu gacanqaadayaan, taaso muujinaysa in dhallinyarada labka iyo dhaddigga leh mushtamaca miskexdoodu xorowday ee Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland ay haatan midnimadoodi lagu yiqiin waa' haatan dib ay u soo noqonayso iskana baxaabaxayn doonaan cadaawaha sabadkoodu yuuryuuraro sifo waadix looga fahmayo "taydi ii gooni taadana kula leh."


 

Sidee loo tadaawuli karaa wali taws caqliga haysta qarnigan Maaygu dulmanyahayna amar Alle laakiin!!
By:Adam Increase



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip